1.Isqiimee
Habkee ayuu wakhtigaagu u baxaa?
Ma hawlo shaqadaada wanaajinaya? Mise arrimo aan muhiim kuu ahayn? Wakhtiga aad
shaqada joogtaa ma yahay mid aad u adeegsato sida ugu habboon? Isqiimeyn kaddib
waxa kuu soo baxaya heerka tacabkaaga ama waxsoosaarkaagu taaganyahay.
Qodobkani waa halka aad ka dhaqaaqi doonto ee furaha u ah maareynta
wakhtigaaga.
2. Qorshe
Usoo diyaar garow qorshe dejin
adiga oo soo qaadanaya buug iyo qalin kunabilaabaya waydiin ka fikirsiisa
maskaxdaadda. Is waydii oo ogow hawlaha kuu yaala ee shaqo, waxbarasho,
horumarin nafeed iwm. Ku qor xaashiyaha buuggaaga arrimahaas kaddib dib u
fadhiiso oo ka fikir sidee ayaan ugu qaybiyaa wakhtigayga (Hawlwaliba intay uga
baahantahay 24 kayga saac)
3. Mudnaansiin
Shay muhiim ah oo degdegsiin
mudan, Shay muhiim ah oo aan degdegsiin mudnayn, Shay aan muhiim ahayn oo
degdegsiin mudan iyo shay aan muhiim ahayn, degdegsiinna aan mudnayn ukala qaad
hawlahaaga. Maalin kasta qabo 3 - 5 shay oo muhiim ah, una qabo sida ugu fiican
adiga oo ku qabanaya wakhtiga ugu munaasibsan.
Kala mudnaansii hawlahaaga.
4. Kooxee
Kooxee hawlaha isku nooca ah oo
midkasta wakhti ku munaasib ah ku beego.
Tusaale1,
Haddii 5 kooxood, 5 email ay kaa
sugayaan midwalba wakhti hasiin. Diyaari xogta, warbixinta, qaansheegta,
ogaysiiska amma codsiga aad u dirayso halmar dhammaantood kaddib hal mar u
jeedso xaga iimeylka (email) oo u dir dhammaantood.
5. Hawlo-wadaqabadka
(Multitasking)
Waa run. Culeys badan ayaa ka
imaada hawlaha badan ee mar lawada qabto. Hawlo-wadaqabadka mideysani wuxuu kaa
qaadayaa wakhti aad hawlo badan ku dhameystiri lahayd. Hal shaqo inta aad
bilowdo dhameystir, shaqada xigta ku labee oo dhameystir waxa aad ogaan doontaa
in habkaasi ka waxqabad fiican iyo wakhti dhameystirba fiicanyahay.
6. Xaddidaad
- Wakhti ay ku eegyihiin shaqooyinku
Hawlqabad kastaa in uu yeesho
xaddidaad ama wakhti uu ku eegyahay waa mid lagamamaarmaan ah. Waxay
suureglinaysaa shaqo qabasho wacan, taas oo kuu ilaalinaysa wakhti kale oo
kaaga guban lahaa hawsha oo aad arrimo kale ku qaban kari lahayd.
7. Nasasho
Ka nasashada gaaban ee shaqadu
waxay ku siinaysaa tamar cusub, diirad saaris toolmoon iyo awood waxqabad oo
cusub. Ha yaraatee isku day in aad nasashooyin u dhaxaysiiso shaqooyinka aad
qabanayso.
8. MAYA
Marar badan go’aamada aad qaadato
ayaa kugu caawinaya horumar sameyntaada amma taagnaanshaha halkii aad shalay
amma sannad ka hor aad soo gaadhay. Mashquullada faraha badan, codsiyada tiro
beelka ah, fariimaha aan muhiimka ahayn, maadeyska iyo medadaallada doonistoodu
kaaga imanayso dadka kugu xeeran in aad MAYA odhan kartaa waa mid aad muhiim u
ah si tacabkaaga iyo yoolashaaduba u guuleystaan.
9. Is-habeyn
Kala daadsanaan, raadin badan iyo
shaqooyin aan kuu kala mudnaan lahayni waxay dilayaan wakhti aad kaga midho
dhalin lahayd hawlo isku sidkan oo miiska kuu saaran. Inta aanad hawl bilaabin
is-habee adiga oo ka jawaabay waydiimahan hoose:
- Ka hor hawsha maxaan u baahanahay qalab?
Sida qalin, buug, kombiyuutar, faylal, waraaqo, Internad, meel
banaan iwm
- Sideebaan ukala horaysiiyaa hawlaha? Midkee
muhiim ah? Midkeense muhiim ahayn?
- Wakhti intee leeg ayaan ku dhameyn karaa
qiyaastii?
10. Jeediyeyaal (Distractions)
Lahaanshaha awood aad ku xadido
mashquuliyayaasha tiro beelka ah ee aynu gacanta ku haysanaa waa mid ka qayb
qaadanaysa koboca waxsoosaarkeena shaqo iyo ka faa’ideysiga cimirga nolosheena.
Nidaami wakhtigaaga oo u samee amin gooni ah baraha bulshada, akhyaarta,
horumarinta naftaada, qoyska iwm.
Khubarada Harvard Business Review
waxay soo jeediyaan saddex xirfaddood oo aasaasi ah in loo kala saaro guusha
maareynta wakhtiga:
- Baraarug: Uga fikirista si xaqiiqo ku dhisan
wakhtiga adiga oo fahmaya inuu yahay khayraad xadidan si aad uga
faa’ideysato habka ugu munasibsan.
- Diyaarsannaan: Qorshaynta yoolasha,
qorshayaasha, wakhti u dijinta iyo hawlaha adiga oo u adeegsanaya
wakhtigaaga sida ugu mudan
- Qiimeyn: Si joogto ah u qiimeynta wakhtigaaga iyo hawlaha aad u qoondeysay. Kaabista iyo waxkabadalka kala mudnaansiintooda.
Xakamaynta naftu (self control) waa udub dhexaadka maaraynta waqtiga ayaan isleeyahay, inaad emotion ahaan aad is xakamaynkarto , shaqada ku hortaalna jeclow ama ha jeclaane aad amminteeda ku qabato.
ReplyDelete