"Saban tagay mid wali soo socdyio saaka waxa jooga
Saddexdaa
wakhti baa xaal aduun lagu sifeeyaaye
Soo
noqod majiro shalay wixii saarufoo tagaye
Waxa
saadanbeetiyo barrina waa su,aal maqane" Xaaji Adan A. Af-qallooc AHU
Daraaseynta
iyo dib u bilicsiga taariikhda waxa ka dhasha baraarug iyo dareen carinaya
maskaxdaada oo ku aadan halkii shalay la taagnaa. Garashada waxa maanta taagan
iyo arrimaha ka dhacaya hareerahaaga ee isbeddel shaqo ah taas oo beddelaysa
xaaladdii dhaqan dhaqaale ee bulsho ku noolayd. Labaadaas dhugasho innaga oo
isku daarayna in aynu saadaalinno isbeddelka ku iman kara suuqa shaqadu waa mid
lagama maarmaan ah.
Cilmibaadhis
uu sameeyey maxadka Institute for the future, waxay saadaaliyeen in 85% oo shaqooyinka
la qaban doono 2030 ayna weli jirinba ama aanay ahayn shaqooyin hore loosoo
qaban jirey.(Cabdikariim, 2022). Halkan waxaynu ku eegi doonnaa habab aad ugu
diyaar garoobi karto isbedelladaasi mustaqbalka.
1.
Qiimeyn
‘’Ummaduhu
haddii ay ilaawaan khaladaadkii shalay hore u dhacay, Waxay ku celceliyaan
ficilladii khaladka ay ku galeen.'' - Unknown
In
aad qiimeyn saxa ku sameyso naftaada waxa ka dhalanaya ogaal-nafeed. Garashada
halka aad kasoo dhaqaaqday shalay iyo maanta halka aad marayso si aad uga tilmaan
qaadato halka aad mustaqbalka daneynayso gaadhisteeda. Qiimeynta waxa kuugu
sahmaya hankaaga iyo hadafkaaga.
Yeelo
dibu milicsi haddii aad leedahay xasuus qor aad ku sugto dhacdooyinka maalinle
ee aad la kulanto.
Waydiimahan
isku qiimee
- Halka aan maanta joogo khibrad iyo xirfad ahaan ma guuleysan karaa mustaqbalka?
- Yoolashii aan dejistay maxaa ka hirgaley? Maxaanse hirgelin? Sababtuna waa maxay?
- Horumar intee leeg ayaan sameeyey?
- Maxaan ku guuldareystay? Maxaanse ka bartay?
2.
Naftaada maamul (hoggaami)
“Insaanku
isaga ayaa u xogogaalsan naftiisa.” Qiyaamah:13
"Daar
burburtay in la dhisaa way fududdahay, Damiir burburay in la dhisaase ma
fududa." MM. Kastam
AHU
Hoggaaminta
naftu waa mid adag oo u baahan tababar badan. U diyaari naftaada laqabsiga iyo
la jaanqaadka isbeddelada shaqada ee mustaqbalka jidh ahaan, maskax ahaan,
shucuur ahaan iyo qiyam ahaanba. Hoggaaminta nafta waxa ka dhalanaya
shaqo wanaag, dad la dhaqan wanaagsan, dalacsiin, sharaf iyo guulo aad mahidiso
oo aad gaadho (Ilaahay idamkii).
Waydiimahan
isku qiimee
- Habka aan naftayda u hoggaamiyaa ma ii hoggaaminayaa mustaqbal kan ka fiican? Caafimaadqabka maskaxdayda, jidhkayga, qiyamkayga iyo dareennadaydu halkeebuu taaganyahay si aan mustaqbalka ugu guuleysto? (Ilaahay idamkii)
- Maxaan ku liitaa oo u baahan horumarin?
- Caadooyin nooceeya ayaan u baahanahay in aad horumariyo si aan mustaqbalka ugu guuleyso (Ilaahay idamkii)
3.
Maalgelin
Haddii
sannad walba aqoonta dunida taala laga gudbayo, baahida loo qabo curin lasocota
nolosha bani-adamkuna aasaasi tahay. Waxa lagagama maarmaan ah in aad
maalgeliso naftaada. Ku qalabee xirfaddaha nololeed iyo kuwa shaqo ee looga
baahanyahay suuqa shaqada. Naftaada wakhti sii ay ku barato xirfaddo iyo
waayo-aragnimooyinka kuu sahlaya marinnada nolosha.
Waydiimahan
isku qiimee
- Wakhti iyo aqoon heerkee leeg ayaan ku maalgeliyey naftayda?
- Imisa buug iyo maqaal oo horumarinaya naftayda ayaan akhriyey sannaddii dhammaaday?
- Hababkeen ku maalgelin karaa naftayda? (Ilaahay idamkii) Ma akhris? Ma xirfad barasho? Ma dad lasheekaysi?
- Habkeen ukala xushaa hababka maalgelinta nafeed ee igu habboon?
4.
Toosnaan
Waxa
Allah SWT Qur’aankiisa ku yidhi,"Mu'miniintow, giddigiin Alle u towbad
keena; si aad dhammaantiin u libaantaan" Suuratu Nur: 32
“Isagu(Alle)
ayaa idin sii yay shay walba oo aad waydiiseen.” Suuratu Ibrahim: 34
Xadiiskuna
waxa uu leeyahay,”Hagaaji hungurigaaga(Waxaad cunayso), waxa aad noqonaysaa
mid la aqbalo ducadiisa’e.”
Waxa
Allah SWT Qur’aankiisa ku yidhi,” Ma jiro mu’min iyo Mu’minad, Marka
Allah amar xukumo iyo Rasuulkiisu, doorasho kale maleh.’’
Garo xaqa ilaahay kugu leeyahay iyo nolosha danbaysa. Dhis cibaadaadaa oo ku dedaal salaaddaha waajibka ah, sunnayaasha, wardi qur'aan ah (maalinle) iyo Alle bariga. Ilaahay arrimahaaga oo dhan ayuu kuu sahlayaa.
Waydiimahan
isku qiimee
- Cibaadadeydu heerkee ayey maraysaa? Shanta salaadood wakhtigooda ma tukadaa? Sunnayaasha ma ilaaliyaa? Ma duceystaa?
- Heerka wardiga qur'aan akhriskayga maalinle ahi ma jiraa? Heerkee gaadhsiisanyahay?
- Maku dhaqmaa diinta? Ma fuliyaa waxa ilaahay iyo rasuulkiisu igu amreen oo maka tagaa waxay iga reebeen?
- Hababkeen u horumariyaa cibaadadeyda? (Ilaahay idamkii)
5.
Mudnaansiin
Maahmaah
ayaa odhanaysa, “Haddaad laba bakayle caydhsatid isku mar midna gaadhi
maysid.”
Haddaad
waxwalba isku dhexwaddo, waxba ka guul gaadhi maysid. Shalay haddii aad
iwaydiin lahayd yoolashayda waxaan kuu sheegi lahaa 100 yool oo aan leeyahay.
Maanta marka aan fahmayo kala mudnaansiinta yoolashaydana waxaan kuu sheegi
karaa 3 da iigu muhiimsan.
Waydiimahan
isku qiimee
- Mudnaan masiiyaa shaqooyinka iyo horumarinta naftayda mise mededaalo ayaa wakhtigayga iga qaadata?
- Shaqo haddii aan bilaabo ma dhameystiraa?
Comments
Post a Comment